logo
top
left

 

 

Waa maxay farqiga u dhexeeya "Dynamic iyo Static websites"?

Waxaa jira labo qaab oo loo sameeyo website-yada. Qaabka hore ee bilowga ah waxaa loo yaqaanaa "Static website".

Static website, waxaa lagu qoraa luqada HTML oo kaliya. Sidaas owgeed waxaa adkaata in si joogto ah wax loogu daro website-ka. Tusaale ahaan, Markii aad doonayso inaad webka galiso warar iyo maqaalo IWM, waxaad u baahan tahay inaad adeegsato "editor" sida notepad, frontpage, dreamweaver iyo kuwa kale ee lamid ah.


Dynamic website, waa qaab casti ah oo aad uga sahlan qaabkii hore. Qaabkan lama adeegsado HMTL oo kaliya ee waxaa la raaciyaa luqadaha sida Perl/CGI, PHP, ASP, JAVA IWM kuwaas oo badankood loo yaqaano "Scripting languages" isla markaana la shaqeeya server-ka oo macluumaadka kasoo qaada.

Haddii uu website-ku yahay "Dynamic" uma baahnid inaad taqaano HTML ama aad haysato "editor" sida aan horey u sheegnay.

Waxaa lagu siin doonaa username iyo password aad isticmaasho si aad wararka, maqaalada iyo sawirada u galisho website-kaada.

Waxaa kale oo aad samaysan kartaa username badan oo aad u qeybin karto dad meelo kala duwan jooga si ay website-ka usoo galiyaan wixii macluumaad ah ee ay hayaan.

Website-yada aanu samayno dhammaantood waa "Dynamic". Sidaas owgeed waxaa muhiim ah in server-ka aad kireysanayso uu leeyahay mid kamid ah luqadaha aanu kor ku xusnay gaar ahaan "PHP iyo Perl/CGI" oo ah kuwa aanu inta badan adeegsano.

Ugu dambayn, inta aadan server kiraysan kahor, fadlan lasoo xiriir Somalitech.com si arimahaas lagaala taliyo.

Home Print

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home