 |
|
|
|
Maxaa loo baahan yahay markii website-ka lay dhameeyo?
Markii website-ka laguu dhameeyo oo aad dhinac kasta raali ku noqoto waxaa markaas lagaaga baahan yahay:-
1) inaad website-ka galiso wixii macluumaad ah ee aad hayso sida wararka, maqaalada IWM (qaabka aad wax u galinayso waanu kuu sheegi doonaa iyadoo aad video ka daawan doonto).
2) inaad sanad kasta lacagta kirada "domain name iyo web hosting" bixiso (waa haddii aad doonayso inaad webka sii lahaato). Haddiise aad go'aansato inaad iska dayso, markaas uma baahnid inaad cusboonaysiiyo. Waxaadse ogaataa in laga yaabo inay dad kale qabsadaan magaca webka haddii aad cusboonaysiin waydo waqtiga loogu talo galay.
3) inaad wixii qalad ah ee server-ka ku yimaada aad adigu la xiriirto cidda markaas web hosting-ka kuu samaysay (haddii aad anaga naga samaysato, waanu kuu sheegi doonaa cida aad la xiriireyso).
4) Markii aad website ka samaysato Somalitech.com, lixda bilood ee ugu horaysa waxaanu kaa caawinaynaa sidii aad website-ka u maamuli lahayd. Waxaanu si fiican kuugu sharaxi doonaa sida aad webka u isticmaali lahayd oo aad wararka iyo maqaalada IWM u galin lahayd.
Mudadaas lixda bilood ah wixii ka dambaysa waxaa lagaaga baahan yahay inaad adigu lawareegto wax walba isla markaasna aad masuul ka noqoto wixii webka laxiriira ee Somalitech.com mas'uul kama noqon doonto.
Haddii mudadaas wixii ka dambeeya aad u baahato in lagu caawiyo, waxaad markaas u baahan tahay inaad bixiso khidmad dheeraad ah. Qiimaha khidmadu waxay ku xiran tahay hadba sida aad wax u doonayso.
Home Print
|
|
 |
 |