![]() |
|||||||
![]() |
|||||||
|
Waa maxey FTP? Macluumaadka aad u baahan tahay inaad galiso FTP-ga waa sidan oo kale: Profile Name: wixii aad doonto halkan ku qor sida magaca webkaada Host Name / Address: waxaad galisaa server-ka address-kiisa. Sida badan wuxuu ka bilowdaa ftp oo laraaciyay macaga webkaada. Host Type: Automatic detect User ID: gali username-ka password: halkan gali password Haddii aadan horaan macluumaadkan kore u haysan fadlan weydiiso shirkadda aad booska ka qabsatey "web hosting" si ay kuugu soo diraan FTP account, username iyo password. Sida aad sawirka kore ka arki karto, Progarm-ka FTP wuxuu leeyahay labo qeybood (midig iyo bidix). Qaybta bidix waxaa kamuuqda faylasha kumiyuuterka ee aad markaas isticmaalayso. Qaybta midig ee FTP-ga waxaa kasoo baxa faylasha server-ka ee aad markaas gashay. Markaas waxaad awood u yeelan kartaa inaad falasha kumbiyuuter-ka kuugu jira (dhinaca bidix) aad u gudbiso server-ka (dhinaca midig). Sidoo kale haddii aad jeceshahay inaad faylasha server-ka kuugu jira aad backup ka samayso, waxaad markaas awood u leedahay inaad u gudbiso dhinaca kumbiyuuterkaada. Markii aad fayl rareyso, waxaad adeegsataa fallaadhaha labada qeybood (midig iyo midix) u dhexeeya ee kala tilmaamayo midig iyo bidix. Waxaa kale oo aad isticmaali kartaa "drag and drop" adigoo adeegsanaya jiirka (mouse) kumbiyuuter-ka. Fiiro gaar ah: FTP wuxuu leeyahey DELETE, RENAME IWM kuwaas oo isku meel ku wada yaala. Waxaa inta badan dhacda in si khalad ah aad u riixdo DELETE adigoo meel kale rabay isla markaasna uu halkaas macluumaad muhiim ah kaaga masaxmaan. Si aysan arinkaas kuugu dhicin, waxaanu kugula talinaynaa inaad marka hore faylashaada backup ku samaysayo.
|
||||||
![]() |
|||||||
Copyright © 2004-2007 Somalitech.com. All Rights Reserved |
|||||||