logo
top
left

 

 

Microsoft WinXp "System Restore"

Windows XP wuxuu awood kuu siinayaa inaad isticmaasho System Restore oo ah dariiqad aad dib ugu celin karto Computerkaaga sidii uu ahaa markii ugu dambeysay. Talaabadaas laqadayo wuxuu computerku dib isugu shubayaa haddii ay jireen wax is badal ah oo ku dhacay computerka sida faylal laga masaxay oo kale. Sidoo kale waxaad awood u leedahay inaad tallaabadan dib uga noqoto goorta aad doonto.

Talaabooyin: Win XP System Restore

1- WinXP-ga waxaad ku gashaa sidii Administrator oo kale.
2- Waxaad riixdaa "START" kadibna " ALL PROGRAMS" kadibna "ACCESSORIES" kadibna "SYSTEM TOOLS" kadib waxaad riixdaa "SYSTEM RESTORE" waxaana markaas kuu furmaya Sysrem Restore.
3- Markuu bogga cusub kuu furmo waxaad riixdaa "Restore my computer to an earlier time" kadibna riix meesha ay ku qoran tahay "NEXT"
4- Hadda waxaad doorataa goortii ugu dambaysay ee checkpoint lasameeyay waxaadna riixdaa "Restore point list" kadibna riix "NEXT"
markii uu kuu furmo bogga waxaad riixdaa "OK"
5- Ugu dambayntii, waxaad riixdaa "NEXT"
Window Xp wuxuu bilaabayaa inuu dib ugu noqodo sidii horaan loogu barmajeeyey, kadibna computerku wuu is daminyaa oo hadana dib isu daarayaa mar kale.
6- Hadda waxaad sidii hore oo kale ku gashaa Administrator password. halkaas ayay ku dhamaatay System Restore waxaan kuu soo bixi bog kale.
7. Waxaad riixdaa OK.

Home Print

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home