 |
|
|
|
Faa'iidada Backup-ka kumbiyuuterka
Ciladda iyo Virusku waa labada shay ee sida lama filaanka ah u tirtira macluumaadka computerka iyo faylasha khaaska kuu ah intaba. Sidaas owgeed waxaa lama huraan ah in laga dadaalo sidii loo samayn lahaa BACKUP oo ah dariiqad loo adeegsan karo si haddii arinkaas kugu yimaado aad wixii masaxma dib ugu soo celin karto sidoodii hore.
Waxaa jira Software-yo badan oo Backup kuu sameyn kara sida Norton Ghost oo ah mid aad loo isticmaalo. Haseyeeshee hadii aadan haysan software, sida kale ee ugu sahlan ee aad Backup ku samayn karto waa inaad faylasha muhiimka ah ku kaydiso meel kale oonan ahayd Hardisk-kiga sida floppy disk, CD, Stick memory IWM, ama aad u samayso hardisk-kiga waxa loo yaqaano PARTITION oo ah inaad kala qaybiso hardiskiga oo aad qaybna ku duubto Windowska (OS) qaybta kalena aad ku kaydiso faylasha muhiimka kuu ah IWM.
Arinkaas wuxuu kaa caawinayaa in haddii computerku cilad ku timaado ama Virus oo badanaa masaxa Windowska ama C: driveka, inaad badbaadiso qaybtii kale ee ay faylashu ku kaydsanaayeen.
Home Print
|
|
 |
 |