logo
top
left

 

 

kordhinta tayada computer-ka

Haddii aad doonayso inaad kor uqaado tayada computerkaaga oo aad ku samayso upgrade, waxa ugu horeeya ee aad kordhin karto ha ugu horeeyeen RAM-ka. Ramamku waxay door weyn kayacaaraan xawliga computer-ka iyo akhriska faylasha internetka iwm. Waxaa RAM-ka xawligiisa lagu qiyaasaa MB(mega byte). Waxaan kugula talin lahaa inaad isticmaasho RAM gaaraya 128MB ama kasii badan haddii aad internet isticmaalayso haddii kale waxaad la kulmi culays iyo computerka oo mar walba iska istaaga.

Waxaa kale oo aad kordhin kartaa Processor-ka oo isagu ah maskaxdii kala hagaysay computerka, waxaana xawligeeda lagu qiyaasaa MHZ (Megahertz) haddii tiradu ay kun dhaaftana waxaa loo badalaa GHZ(Gigahertz). Laakiin iska ilaali markaad kordhinayso Processorka, waa inaad ogaato in Motherboad-ku uu qaadan karo processorka aad galinayso ee cusub.

Waxaa kale oo aad kordhin kartaa Hardisk-ga oo ah qaybta kaydisa macluumaadka computerka iyo faylasha oo dhan. Marka haddii Hardisk-ga uu kaa buuxsamo ama aad dareento inaad u baahan tahay mid weyn, waxaad samayn kartaa inaad labadoodaba wada isticmaasho oo aad midna kadhigato kii asaasiga ahaa MASTER. midka kalena aad kadhigto mid farac ah SLAVE..

Home Print

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home