 |
|
|
|
Taleefonka Internet VoIP oo sii faafaya
Xiriirka labo ruux iyagoo adeegsanaya Computerka iyo internetka oo loo yaqaano VoIP ( Voice Over Internet Protocol ), ayaa waxay noqotay mid si xad leh usii korodha sanadba sanadka kasii dambeeya.
Sidoo kale waxaa jira tartan weyn oo u dhexeeya shirkaha internetka kuwa ugu horeeya halkaas oo ay shirkad waliba doonayso inay ku guulaysato soo jiidashada tirada ugu badan ee dadka isticmaala internetka.
Shirkadda American Online (AOL) ayaa sheegtay inay macaamiisheeda u bilowday adeeg cusub oo ah ku hadalka internetka (VoIP). Sidoo kale shirkadda Microsoft ayaa sheegtay inay dib u habayn ku samaysay MSN messenger oo ay hadda macaamiisheeda awood uyaalan doonaan inay helaan khidmad qiimo leh, taleefon PC to PC iyo video conference bilaash ah.
Sidoo kale shirkad cusub oo iyadana layiraahdo SKYPE ayaa waxay bilowday iskula hadalka Computerada PC to PC iyadoo bilaash ah. SKYPE waxay samaysay software kaas oo laga soo rogan karto (Dowload) website-ka shirkadda skype.com isagoo bilaash ah halkaas oo loo adeegsan karto inuu kula xiriirsiiyo ruux kale oo online ah.
Adeegyadan oo dhan sida badan waxay yihiin kuwo bilaash ah haseyeeshee waxaa jirta in adeegyada shirkadaha qaarkood aysan ku cajab galinaynin markii laga fiiriyo xagga codka oo tashwiish leh, isagoo mar marka qaarkood kaa go'a IWM.
Sida kastaba arinku ha ahaadee waxaa xaqiiqo ah in shirkado badan ay isballo waaweyn ku wadaan nidaamka VOIP sidaas awgeed in muddo yar gudahood laga yaabo in la arko inagoo taleefonadii caadiga ahaa ee qarashka badnaa iska wada jarna oo computeradii u adeegsana adeegyadii uu taleefonku noo hayay iyadoo bilaash ah isla markaana tayo fiican leh.
Home Print
|
|
 |
 |