 |
|
|
|
Email been ah oo nin xabsi ku galay
Emailada beenta ah ee loo yaqaano Spam iyo Junk emails, ayaa ah kuwo aad ugu badan internetka. Dadka internetka isticmaala badankood ama kuligoodba waxay ka sheegtaan emailo badan oo ay ka helaan dad aysan aqoonin. Emailadaas badankoodu waxay xambaarsan yihiin sawiro qaawan iyo kuwo dacaayadeed oo kala duwan. Kuwa qaarkood markii aad furto waxaa laga yaabaa in ay la socdaan Virus-yo halkaas oo uu computerkii ruuxaas ku xumaado ama laga yaabo in wixii ugu jiray ee macluumah ah iyo faylashii gaarka u ahaa si sahal ah loola baxo isagoonan ogayn.
Dadka arinkaas sameeya oo loo yaqaano Spammer ayaa hadda dagaal weyn lagula jiraa sidii loo joojin lahaa. Jeremy Jaynes oo ah nin American ah da'diisuna ay tahay 30 jir ayaa wuxuu ka mid ahaa Spammer-ka kuwa ugu waaweyn. Jeremy, wuxuu dadka u diri jiray emaillo been ah isagoo u sheega inay ka iibsan karaan alaab raqiis ah oo been ah oo uusan haynin. Jeremy wuxuu maalin walba diri jiray ugu yaraan 10 million oo spam ah isagoo jooga gurigiisa oo ku yaala North Carolina.
Ninkaas wuxuu arinkaas ku heli jiray inta u dhexaysa 100,000 ilaa 750,000 oo doolar bil walba iyagoo dadku ay u qori jireen Credit Cards, Visa Cards IWM.
Ugu dambaytii wuxuu ku dambeeyay xabsi waxaana la filayaa in kuwa isaga lamid ahna in ay ku tusaalo qaataan saaxiibkood.
Home Print
|
|
 |
 |