 |
|
|
|
Windows Xp iyo Server cusub
 Shirkadda caanka ah ee Microsoft ayaa waxay cadeysay inay maalinta isniinta ah ee ku aadan 25/04/05, si rasmi ah u cadeyn doonto inay soo saartay windows cusub oo ku shaqayn doona 64-bit. Sida la ogyahay computerada hadda la isticmaalo waxay badankood ku shaqeeyaan 32-bit oo kaliya kuwaas oo uu kamid yahay winXP. Haseyeeshee waxaa dhowaantan suuqa la keenay computaro casri ah oo ku shaqayn kara 64-bit oo laba jibaar ka xawaarad badan ugana qaadid weyn kuwii horaan la isticmaali jiray.
Computeradaas casriga waxaa Processor-kooda(waa maxay Processor?) soo saaray Intel iyo AMD iyo shirkado kale.
Shirkadda Intel ayaa sheegtay in computerada ku shaqeeya processor-koodu ay si fiican ula shaqayn karaan windows-ka cusub. Windowkan cusub (Windows XP Professional x64 Edition) waxaa sidoo kale la socda Windows Server 2003 x64 Edition oo isagana ooda laga qaadi doono.
Shirkadda Microsoft ayaa in muddo ah dadka usoo bandigtay inay website-keeda kasoo rogtaan ( download) windows-ka cusub iyo server-kaba si tijaabo ah, haseyeeshee bishii nasoo dhaaftay ayay joojiyeen rogashada windows-ka in kasta oo uu server-ku wali halkiisii yahay oo laga soo rogan karo website-ka si tijaabo ah.
Calaakuli xaal, waxaa isweydiin leh windows-kan cusub ee 64-bit ku shaqeeya sidee ula shaqayn karaa computada aynu hadda isticmaalno ee ku shaqeeya 32-bit oo kaliya? Ma culays ayuu ku keeni doonaa mise lamaba shaqayn karo?
Su'aalahaas iyo kuwo la mid ahba waxaynu kajaabi doonaa maalmaha nagu soo aadan inshaa'alaah.
Home Print
|
|
 |
 |