 |
|
|
|
baraamij bilaash ah oo ku faafaya UK
Barnaamijyada bilaashka ah ee loo yaqaano (open source) ayaa waxay si xad leh ugu sii faafayaan xafiisyada, hay'adaha iyo qaybaha kala duwan ee waxbarashada ee waddanka Ingiriiska.
Daraasad ay sameysay hay'ad loo yaqaano, the British Educational Communications and Technology Association (Becta), ayaa waxay tusinaysaa in iskuulada waddanka Ingiriiska inay boqolkiiba konton 50% yarayn karaan kharashka ay ku bixiyaan iibsiga software-yada kale ee qaaliga ah kuwaas oo ay leedahay shirkadda Microsoft, haddii ay iskuuladu isticmaalaan barnaamijyada bilaashka ah.
Arinkan ma aha mid kaga farxinaya shirkadda Microsoft oo ah shirkadda kaliya ee hadda qandaraaska ku haysata software-yada iskuulada oo uu ka mid yahay barnaamijkeeda caanka ah (Windows).
Madaxa iskuulada illaa iyo hadda ma aysan gaarin wax go'aan ah oo ku saabsan joojinta isticmaalida software-yada ay sameyso microsoft, haseyeeshee waxaa loo badinayaa inay arinkaas ku dhaqaaqi doonaan mustaqbalka dhow. Waxaa kale oo jira hadallo sheegayada in iskuulada qaarkood aysan jeclayn in lagaga caraysiiyo shirkadda microsoft, sababtoo ah waxay sheegayaan in barnaamijyadeedu ay yihiin kuwo aanan laga maarmin isla markaana ah kuwo in badan la soo isticmaali jiray oo ay ardeydu si fiican ula tallaabo qaadeen.
Si kastaba arinku ha ahaadee, waxaa xaqiiqa ah in barnaamijyada bilaashka ahi sida (Linux) iyo kuwo kale oo badan ay si xad leh ugu sii faafayaan aduunka oo idil gaar ahaan Yurub. Waxaa kale oo xaqiiqa ah in Software-yadan ay suuqa ku ciriiryeen shirkadaha waaweyn ee Software-yada taasna ay keeni karto ama ay ku qasbi doonto inay shirkadahaasi siyaasadahooda wax ka badalaan oo ay hoos ku dhigaan sicirka barnaamijyada ay soo saaraan.
Runtii "Windows-ka wax naga raqiisiya waan ku baahnaan lahayn!".
Home Print
|
|
 |
 |