logo
top
left

 

 

Faa'iidooyinka uu leeyahey IMESH

IMESH waa software bilaash ah ood kasoo rogan karto website-ka shirkadda www.imesh.com . Haseyeeshee waxaa muhiim ah inaad marka hore ogaato waxa uu yahey software-kan inta aadan soo rogan.

Dadka badankood gaar ahaan dhalin yahada waxey xiiseeyaan program-ka ama software loo yaqaano Kazaa oo miyuusiqada ku takhasusey laakiin xaga farsamada la mid ah IMESH oo isagu ku takhasusey software-yada.

KAZAA iyo IMESH waxaa labadooda loo yaqaanaa iney yihiin P2P ama peer to peer file sharing softwares, oo micnaheedu uu yahey in lays weydaarsado faylasha computerka iyadoo la adeegsanayo Internetka. Miisaal ahaan, Haddii aad ku jirto Internetka oo aad soo rogato IMESH, waxaad awood u yeelan kartaa inaad hesho ama aad u dirsato software-ka aad dooneyso.

IMESH shaqadiishu waa inuu ku weydiiyo software-ka aad dooneyso magaciisa kadibna wuxuu galayaa raadintiisa isagoo magacaas karaadinaya computerada dadka kale ee iyagu markaas online-ka ah ama ku jira Internetka ee haysta IMESH. Haddii uu soo helo wixii loo direy , wuxuu kuu soo qorayaa liisto ay ku qoran yihiin software-ka noocyadiisa ama version-kiisa. Halkaas ayaadna si sahal ah uga soo rogan kartaa kuna xareysan karaa computerkaada.

Markii aad soo rogato IMESH wuxuu computerkaada ku sameysanayaa fayl ama Folder halkaas oo uu ku keydin doono wixii faylal ah ee aad soo rogato. Sidoo kale haddii aad Folder-kaas galiso faylal kale, wuxuu ruux kasta awood u yeelanayaa inuu faylashaas labaxo adigoonan ogayn haddii aad online noqoto.

Run ahaantii markii dhinaca fiican laga fiiriyo, IMESH waxaan dhihi karaa waa (DHARI-WADAAG) oo nin walba gacanta ayuu gashan. IMESH waa meel aad kaheli karto software-yo bilaash ah oo suuqa kajooga lacag badan oo aadan awoodeen iibsigooda laakiinse waa inaad adigana markaada diyaar u noqoto in weelka lagula wadaago oo lagaala baxo wixii aad heyso.

Home Print

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home