 |
|
|
|
Daaqadaha furan ee komputerka
Kompuuter kasta markii lagu xidhayo mid kale ama loo samaynayo qaabka loo yaqaano Network, waa inay marka hore kompuyuuteradu lahaadaan waxa loo yaqaano IP address. IP address-ku waa number badanaa ka kooban dhowr iyo toban lambar sida: 216.27.61.137
Shirkadda iibiya khadadka Internetka iyo taleefoonada waxay hayaan lambaraddaas oo dhowr nooc kala ah. Lambaradaas qaarkood ayaa ah kuwo is badbadala oo loo yaqaanaa Dynamic IP address. Qaar kale ayaa iyagu ah kuwo aan is badalin Static IP address.
Markii Internet lasoo furanayo shirkadaha Internet-ku sida badan dadka uma sheegaan IP address-ka ay leeyahiin laakiinse waxay siiyaan Software uu ruuxu komputerkiisa ku duubto si uu ugu xidhmo Server-ka ay shirkaddu leedahay kaasoo u sii gudbiya Internet-ka.
Marka waa maxay dhibaatada IP addressku uu leeyahay?
IP address-ku waa irid laga soo gali karo komputerkaaga oo Virus lagaaga soo diri karo ama macluumaad lagaaga xadi karo. Sidoo kale, waa Lamber lagugu soo raad-raaci karo meesha aad aduunka kajoogto isla markaana lagu ogaan karo website-yada aad booqatay.
Haddii aad xiisaynayso inaad ogaato IP address-ka kompuuterkaaga ama midka aa hadda Internet-ka kaga jirto, Riix halkan
Si aad dhibaatooyinkaas ugu hortagto, waxaad u baahan tahay inaad soo rogato ama aad komputer-ka ku duubato barnaamijyada ka hortaga cudurada komputerka (Anti Viruses) iyo Adaware. Waxaad barnaamijyadaas iyagoo qaarkood bilaash ah kasoo rogan kartaa website-kan dowload.com Riix halkan.
Sidoo kale waxaad adeegsan kartaa Firewall ama Rooter si aad IP address-kaaga u qariso markii aad Internet-ka ku xirmayso. Firewall-ku wuxuu kugu caawinayaa inuu kuu sameeyo IP address been ah markii uu Internetku ku xidhmayo isla markaana wuxuu qarinayaa IP address-kii xaqiiqada ahaa ee gaarka kuu ahaa. Haddii marka ruux damco inuu kuusoo dhaco wuxuu helayaa IP address khalad ah oo meel cidlo ah oo geeri-go'an ah ayaa fooda loo saarayaa halkaasna kompuyuuterkaagii uu ku nadabgalayaa. (Tuug tuug maxado)
Home Print
|
|
 |
 |