logo
top
left

 

 

Ilaalinta akhlaaqda kumbiyuuter-ka

Shaqo waliba waxay leedahay akhlaaq iyo nidaam 'ethics' taas oo u baahan in la ilaaliyo. Mihnadda ama Shaqada kumbyuuterka ayaa iyadu ugu horeysa shaqooyinka leh 'ethics' maadaama khubarada kumbiyuuter-ku ay saameyn weyn ku yeelan karaan nolosha dadka kale (bini'aadanka) meel kasta ha joogeene.

Markii aynu ka hadlayno kumiyuuter, waxeynu ula jeednaa wax waliba oo kumiyuuter ku shaqeeya: mashiinada bukaanka lagu baaro (X-ray, ultraSound), mashiinada bangiga ee dibada bangiga ladhigo ee loo yaqaano Automated Teller Machines (ATM), Raadaarka diyaaradaha haga, kumbiyuuterada dambi baarista (kuwa faraha iyo DNA ), teleefonada, talaajooyinka guriga iyo dhammaan wax waliba oo ku shaqeeya chip ama microprocessor.

Dhammaan mashiinadan kore iyo kuwo kale oo badan oo uu ka mid yahay midka aad hadda adeegsanayso, PC, waxey kuligood ku shaqeeyaan kumibiyuuter. Taas waxey na tusineysaa in kumbiyuuterku uu noqdey aalad muhiim ah isla markaasna loo adeegsado waxyaabo badan oo uu bini-aadamku si joogto ah ugu baahan yahay.

Haseyeeshee, waxaa jirta dhibaatooyin badan oo iman kara markii la adeegsado aaladda kumbiyuuterka sida: Xoriyada dadka oo lagu xad gudbo, sirtooda oo la faafiyo, xoolo la xado, khalad kumiyuuterka laftiisa ku yimaada oo maal badan lumiya, adeegsaha kumbiyuuterka oo dadka iyo mujtamaca ka go' a IWM.

Miisaal ahaan, dhakhtarka wuxuu adeegsadaa kumbiyuuter kaas oo lagu keydiyay macluumaadka bukaankiisa iyo daawooyinka ay qaataan. Sidoo kale bangiga markii aad account ka furato wuxuu leeyahay database kaas oo kaydiya macaga, da'da, cinwaanka, inta lacag ah ee kuu taala, taariikhda aad la baxdey lacagta IWM. Sidoo kale haddii aad adeesato mashiinka bangiga ee ATM ama kaarka bangiga ee Visa, wuxuu bangigu ogaan karaa meelaha aad lacagta ku bixiso, dukaamada aad wax ka iibsato iyo meelaha aad badanaa tagto.

Sidoo kale booliska xaafadu wuxuu badanaa hayaa address-yada dadka xaafada, diintooda, shaqooyinka ay qabtaan, baabuurta ay adeegsadaan iyo numberkooda iyo waliba inta caruur ah ee uu reer waliba leeyahay. Macluumaadkaas oo dhan waxaa lagu kaydiyaa kumbiyuuter iyo database.

Haddii marka dhakhtarkii, booliskii, bangigii iyo dhamaan hay'adihii wadanka ay soo shaacbixiyaan macluumaadka dadka ee ay hayaan waxaa markaas hubaal ah in dhibaato weyn ay dhici lahayd. Miisaal ahaan, haddii ay tuugadu helaan macagaada oo sadexan, address, iyo macaga hooyada, waxay markaas awood u yaalan karaan inay bangiga lacagta kuugu jirta la baxaan.

Sidaas owgeed, waxaa lagama maarmaan noqotey in la jideeyo sharci ilaaliya xoriyada dadka, sharaftooda iyo sirtooda. Taas iyadoo la ilaalinayo waxay hay'ado iyo shirkado badan leeyihiin shuruudo iyo sharci kaas oo shaqaalaha cusub loo akhriyo lana weydiiyo inay saxiixaan.

Khubarada kumbiyuuterka sidoo kale waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan akhlaaqiyaadka mihnadooda. Waa iney isku dayaan iney abuuraan baraamij lagu kalsoonaan karo oo qaladkoodu yar yahey. Waa iney macaamiishooda u sheegaan sidey u isticmaali lahaayeen baraamijtooda isla markaana ay u yareyn lahaayeen khasaaraha ka iman karta adeegsida kumbiyuuterka. Waa iney sirta macaamiishooda ilaaliyaan oo aysan aqoontooda si xun u adeegsan.

Home Print

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home