 |
|
|
|
Tallaabooyinka abuurista website
Haddii aad doonayso inaad qorto ama aad dhisto website waxaa marka hore loo baahan yahay inaad raacdo dowr talaabo oo muhiim ah. Talaabooyinkaas oo aan hoos ku sheegi doono waa kuwo muhiim ah sidii webku u noqon lahaa mid faa'iido leh oo hadafkii loo sameeyay ka midho keena.
Tallaabooyinkan ma aha mid dhisidda webka gaar u ah ee waa kuwo laraaco markii ladoonaya in howl si fiican loo guto iyadoo laraacayo nidaam layku raacay. Haddii aan misaal yar soo qaato, markii ladoonaya in guri ladhiso maxaa marka hore lagama maarmaan ah in lasameeyo naqshad si loo sawiro qaybihii uu gurigu ka koobnaan lahaa sida qolalka, inta mitir ee uu mid walba noqon lahaa, meesha jikadu noqon lahayn,musqushii, albaabkii gurriga IWM. Arinkaas waxaa qaabishan injineerro gaar ah oo ay shaqadoodu tahay inay naqshadahaas sameeyaan kadibna u gudbiyaan kuwii dhismaha iyo fuundiyadii oo hawshii halkaas kabilaaba iyagoo raacaya naqshadda loo sameeyay.
Arinkaas aan sheegnay waxaa lamid ah website oo sidoo kale wuxuu u baahan yahay in marka hore naqshad lasameeyo inta aan howsha faraha lala galin. Arinkaas wuxuu leeyay faa'iido aad u badan wuxuuna kuu sahlayaa in dhibaatooyin kugu iman kara aad kasii fikirto kadibna aad xal u raadiso intaysan dhicin ka hor.
Tallaabooyinka loo baahan yahay markii web la dhisayo.
1- Waa in marka hore la ogaado sababta webka loo samaynayo. Waa maxay baahida keentay in website noocan oo kale ah lasameeyo? waa maxay faa'iidada ladoonayo in laga helo website-ka?
Haddii su'aashaas aad kajawaabto oo aad ku qanacsan tahay inaad horey usii socoto usii gudub su'aalaha hoose.
2- Webka yaa loo samaynayaa? Dadka webkan loo samaynayo yay yihiin? ma dad aqoon leh, aqoon lahayn, arday, odoyaal, shirkad, hay'ad, isku jir, luqadda ay ku hadlaan dadkaas badankood IWM?
3- Waa maxay waxyaabaha dadkaas soo jiidan kara ee ay xiisaynayaan si webka loogu daro? waa maxay midabka ay dadkaas badankood aqbali karaan? waa maxay qoraalada ay akhrin karaan in kuwa ku adag?
4- Waa imisa dhaqaalaha aan ugu talo galay samaynta website-ka? ma u hayaa shaqaale ka shaqeeya oo mar kasta update ku sameeyo isla markaana hagaajiya wixii cilad ah ee ku timaada mustaqbalka.
Arimahaas aan soo sheegnay waxay badankood ku xidhan yihiin dadka akhristayaasha ah, sababtoo ah iyagaa ah dadka loo samaynayo website-ka sidaas owgeed waxaa lagama maarmaan ah inaad akhristayaasha weydiiso waxa ay jecelyihiin sida saaxiibadaa, familkaaga, dadka aad lashaqayso IWM.
Waxaad kala tashataa waxyaabaha ay xiisaynayaan in website-ka lagu qoro. waxaa kale oo aad weydiisaa midabka uu ruuxu jecelyahay. waxaad weydiisaa websiteyada ay booqdaan hadda iyo sababta ay u booqdaan. waxaa kale oo aad weydiisaa websiteyada aysan kahelin iyo sababta ay ku neceen?
Arimahaas oo dhan markaad samayso waxaa kuu soo baxaysa fikrad wanaagsan iyo waddo cad oo aad ku dhaqaaqi karto sidii uu websitekaagu u noqon lahaa mid laxiiseeyo oo faa'iido badan leh.
Home Print
|
|
 |
 |