logo
top
left

 

 

Tartanka Internet Explorer iyo Mozilla

Marka ladoonayo in internetka wax laga akhristo waxaa la isticmaalaa Internet Explorer, Netscape, Mozilla Firefox iyo kuwo kale oo badan. barnaamijyadaas oo dhan waxaa loo yaqaanaa Browsers. Dadka internetka isticmaala badankood waxay isticmaalaan Internet Explorer. Daraasad dhowaan internetka laga sameeyay ayaa waxay cadeysay in 95% dadka internetka isticmaala ay adeegsadaan Internet Explorer. Taas micnaheedu ma aha in Internet Explorer uu yahay Browser-ada midka ugu heerka sareeya ee waxaa jira oo dhawaan laxaqiijiyay in Mozilla Firefox oo ah mid dhowaan soo baxay uu yahay mid aad iyo aad uga dhaqso badan ugana aamin fiican Internet Explorer-ka.

Haddii aan eegno dhinaca Netscape Navigator oo waayadii hore ahaan jiray Browser-ada kuwa ugu qiimaha badan, hadda waxaad moodaa in laga dheereeyay oo ay aad iyo aad u yaraadeen dadka isticmaala. Browser-ada kale ma aha kuwo badankood oofin kara standard-ka iyo shuruudaha loogu talo galay inay Browser-adu leeyihiin ee ay dajiso shirkada weyn ee W3(World Wide Web).

Si kastaba arinku ha ahaadee, shirkadda Microsoft oo ah shirkadda iska leh Internet Explorer ayaa waxay ku guulaysatay inay dadka sanka ka galiso inay isticmaalaan Internet Explorer sida ay horaan sanka uga galisay inay adeegsadaan Windows-ka.

Waxaa laga yaabaa in dadka badankood aysan sidaas u dareemin farqiga u dhexeeya Browser-ada maadaama uu mid walba wixii loo diray soo saarayo, haseyeeshee waxaan filayaa in ciddii si fiican ugu kuur gasha iyo kuwa cilmiga u leh samayn website-yada ay garan kartaan farqiga weyn ee u dhexeeya Browser-adaas.

Ugu dambayntii, haddii aad doonayso inaad tijaabiso Firefox, halkan kasoo rogo isagoo bilaash ah Riix halkan kadib u isticmaal inaad dib ugu booqato somalitech.com ama website-ka aad rabto kadibna fiiri farqiga u dhexeeya isaga iyo Internet Explorer xaga speed-ka, sawirada, linkiyada IWM.

Good luck

Home Print

 

 

 

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home