 |
|

|
|
Perl/CGI Language
Common Gateway Interface (CGI) waa program loo adeegsado in si hadal ah macluumaad loogu kala gudbiyo bogaga Internet-ka iyo server-ada iyagu leh program-ka CGI.
CGI waa nidaam ama program (protocol) ee ma aha luqad barmajo (progaramming lanaguage) taas oo iskeed u taagan. Sidaas owgeed markii Program-ka CGI laqorayo waxaa la adeegsadaa luqadaha barmajada sida C, Perl, Java, iyo Visual Basic.
Perl language ayaa waxay tahay luqada ugu badan ee markii CGI la qorayo la adeegsado. Sidaas owgeed waxaad arkaysaa in dad badani aysan kala sooci karin farqiga u dhexeeya CGI iyo Perl maadaama ay had iyo jeer lamaane yihiin.
Perl waa luqad sahal ah in labarto isla markaana ah mid awood weyn leh oo wax walba lagu samayn karo. Shirkadaha ugu waaweyn ee Internet-ka gaar ahaan kuwa wax iibiya (online shops) sida Amazon ayaa waxay adeegsadaan Perl si markaas ay u helaan website-yo awood leh isla markaana amaankoodu uu adag yahay.
Waqtigan aynu joogno nidaamyada Unix (unix system) oo dhan waxaa lasoo raaciyaa Perl/CGI sidaas owgeed haddii aad leedahay Unix system waxaad awood u leedahay inaan bilowdo barashada Perl.
Sidoo kale waxaad Internet-ka kasoo rogan kartaa mid lashaqeyn kara MS-windows haddii aad jeceshahey inaad marka hore ku baratid.
Wixii macluumaad dheeraad ah, waxaad booqan kartaa Perl.org
Hadii aad u baahan tahay server kiro ah oo leh perl/CGI, fadlan noo soo sheeg si aan account kuugu samayno.
Home Print
|
|
 |
 |