 |
|

|
|
HTML Language
HTML (HyperText Markup Language) waa luqada lagu sameeyo ama lagu dhiso website-yada.
Luqada HTML waa mid aad u sahlan oo mudo yar aad ku baran karto. Si aad u badaro bilowga luqada HMTL waxaad u baahan tahay inaad haysato Notepad oo ah program yar oo kumbiyuuterada badankood lasocda.
Marka hore furo Notepad adigoo raacaya talaabooyinkan hoose:
- Riin START - Riix ALL PROGRAMS - Riix ACCESSORIES - Riix NOTEPAD
Markii uu kuu furo program-ka Notepad, waxaad isku daydaa inaad ku SAVE-gareysa desktop-ka kumbiyuuterka adigoo faylka u bixinaya magaca index.html ama index.htm
kadib waxaad faylkaas ku qortaa sidan hoose ee labada layn u dhexeysa:
--------------------------------------------- <HTML>
<BODY>
Kusoo dhawow Website-kayga.
</BODY>
</HTML>
---------------------------------------------
Mar kale SAVE-garee faylka si wixii aad gadaal kagalisay ee qoraal ah uu maskaxda kumbiyuuterka ugu kaydsamo.
Sida aad kor aragtey luqada HTML waxay leedahay biloow iyo dhamaad. Qayb walba oo HMTL katirsan waxay iyaduna leedahay biloow iyo dhamaad ama furid iyo xirid.
<HTML> waa bilowgii waxaayna ku dhamaataa ama laga soo xiraa </HTML> sidoo kale <BODY> waa bilowgii waxaana lagu xiraa </BODY>
Farqiga u dhexeeya bilowga iyo dhamaadka qaybaha HTML ayaa ah calaamada / ee dhanka midig u jiifta loona yaqaano forward slash.
Haddii aad fiiriso desktop-ka kumbiyuuter-kaada waxaad arki kartaa faylkii aad samaysay oo wata calaamada browser-ka sida Internet Explorer. Taas micnaheedu waxaa weeye in faylkaasi lagu qorey luqada HMTL.
Double Click ku samee faylka disktop-ka kuu saaran si uu kuugu furmo. Waxaa markaas kuu soo bixi doona 'kusoo dhawow website-kayga' iyo qoraalkii aad samaysay.
Hadlkaas waxaad ku baratay sida loo sameeyo faylka ugu horeeya ee luqada HMTL. Waxaad hadda u gudubtaa cashirada ku xiga oo aad waxyaabo kale ku baran doonto inshaa'alaah.
CASHIRKA 2AAD >> HTML
Home Print
|
|
 |
 |