logo
top
left

Shaqaalaheygu tababar ma u baahan yihiin?

  1. Marka hore daraasad (feasibility study) ku samee in shaqaaluhu ay tababar u baahan yahiin iyo nooca tababarka lasiin karo.
  2. Waxaad go'aamisaa ama qoondeysaa dhaqaalaha aad ugu talo gashay iyo inta shaqaale ee aad doonayso inaad tababarto kuwaas oo aad filayso inay faa'iido ka keeni karaan tabarbarka lasiinayo.
  3. Si qoto dheer uga fikir cidda buuxin doonta boosta shaqaalada inta uu tababarku u socdo (waa haddii tababarku dhacayo waqtiga la shaqeynayo).
  4. Ugu dambayntii, dhamaadka tababar kasta waxaad aruurisaa ra'yiga shaqaalaha adigoo wax ka weydiinaya waxay barteen iyo siday aqoontooda cusub ugu faa'iideyn karaan horumarinta shirkadda.
 

Tababarka Shaqaalaha:

training_imageTababarka shaqaalaha iyo kordhinta aqoontooda ee dhinaca adeegsiga kumbiyuuterka waa aasaaska horumarinka shirkad walba.

Somalitech.com waxay kuu diyaarisay qoraalo kala duwan iyo cashiro si khaas ah loo diyaariyay kuwaas oo kaa caawin doona kordhinta aqoonta shaqaalaha ee dhinaca kumbiyuuterka.

Qoraalada aanu samaynay waxay isugu jiraan adeegsiga MS-windows 98, 2000, XP, Server 2003, Unix Fedora Core 6, Computer Security, Databases iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxaanu kuu haynaa nidaamka video conference oo loo adeegsan karo tababarka shaqaalahaada meel karta oo ay joogaanba iyadoo la adeegsanayo shabakada Internet-ka.

Ugu dambayn, waxaanu kaa caawin karnaa cilad-bixinta shabakada kubiyuuterada (Network) iyo dhibaatooyinka guud ee kumiyuuterka anagoo kusiin doona telephone number oo aad waqti kasta naga soo xiriiri karto.

friend Wixii tafaasiil ah, fadlan halkan nagala soo xiriir

  right
 
boardlegs
English version contact us training web design home